Talo soo jeedin: Habka kala xulista murashaxiinta Golaha Wakiilada iyo golayaasha deegaanada

Report: Legislative review of gender parity in politics and leadership in Somaliland
April 27, 2020

Si xubnaha loo dooran dooro Golaha Wakiilada iyo golayaasha deegaanadu ay u noqdaan kuwo tayo, hufnaan, akhlaaq, aqoon iyo karti sare leh, waxa qasab ah in wax wayn laga bedelo habkii hore ee loo kala saari jiray murashaxiinta xisbiyada. Qoraalkan koobani wuxuu soo jeedinayaa in xisbiyadu galaan heshiis abuuraya sadex derejo oo kala shaandhayn ah oo uu maro qof walba oo is-sharaxaya iyo inay ku heshiyaan shuruudo cad oo ka turjumaya baahida dalku u qabo madax tayo fiican, dareen lex-jeclo leh oo u naxda shacabka soo doortay.